XOG laga helay safarka Ra’iisul Wasaare Rooble Ee Nairobi.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Mohamed Xusein Rooble ayaa safar ku tagi doona magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya si uu wadahadal ula yeesho madaxda dalkaas.

Ilo Wareedyo ku dhow Xafiiska RW ayaa sheegaya in kulankan uu yimid kadib markii Ra´isul Wasaaraha & MD Kenya ay ku kulmeen magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga wada qeyb galeen caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti.

Kulanka kadib waxaa jiray xariiro dhowr ah oo labada dowlad dhexmaray, Somalia ayaana la fahansan yahay iney dooneyso in xiisadda la qaboojiyo.

Kenya ayaa joojisay safaradii dhanka diyaaradda, iyadoo sharuud uga dhigtay in loo fasaxo ganacsiga qaadka.

RW Rooble ayaa Kenya hordhigi doona iney fasaxaan duulimaadyadda, taas badalkeedana arinta Jaadka laga heshiinayo.

Miyaa laga hadlayaa Arinta badda.

Wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in RW Rooble uusan marnaba ogolaan doonin inuu gorgortan ka galo arinta bada oo dacwadeedu taal Maxkamadda QM.

Inkastoo Madaxweynaha Somalia uu sheegay in dalalka caalamku ku cadaadinayaan heshiiskaas hadana, RW Rooble ayaa lasoo sheegayaa inuusan Kenya kala hadli doonin qodobkaas.

Dhawaan saxaafadda Kenya ayaa tabisay inuu jiro heshiis dhexmaray labada dal kaas oo ay ku qeybsanayaan kheyraadka biyaha ay Kenya sheeganeyso, laakiin RW ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Guuleed oo ah Wakiilka Somalia arinta dacwadda u qaabilsan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas.

Hadaba Muxuu yahay Doorka Qadar, Muxuuse arintan kala socdaa MD Farmaajo

Dowladda Somalia ayaa dhawaan sheegtay in xariirkii Kenya ay soo celisay kadib dhex-dhexaadin ka timid Qadar oo Somalia usoo magacowday ergey gaar ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Qadar ay weli wado dhex-dhexaadinta labada dhinac, si heshiis loo gaaro.

Laakiin, ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in qorshaha Qadar uu yahay in xataa laga wada hadlo arinta badda  maadaama ay shirkado iyadu maalgeliso ay baarayaan shidaalka ku keydsan biyaha ay Kenya dooneyso iney sheegato.

Si kastaba, dowladda Somalia ayaa lasoo shegaya inay diiday qorshaha Qadar oo ay Xukuumadda Muqdisho u aragto mid aanan soconeyn.

Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa si dhow ula socda arintan, waxaana uu RW Rooble ka dalbaday inuu wadahadalkaas u aado Nairobi.

Dowladda Somalia ayaa dhanka kale Kenya ka dooneysa faahfaahin la xariirta dilkii Ganacsade Marxuum Bashiir.

Ilo Wareedyo laga helay Madaxtooyadda Somallia ayaa sheegaya in Wadiga RW Rooble ay Kenya kala hadli doonaan Arinta ku saabsan dilkii loo gaystay Allah ha unaxariistee Ganacsade Bashiir Maxamed Maxamuud oo dhawaan ka dhacay Kenya.

Marxuumka ayaa ay dowladda Kenya sheegtay inuu xariir dhow la lahaa Maamulka MD Farmaajo, Saxaafadda qaar ayaa warisay inuu lacago badan ku taageeri jiray dowladda Somalia.

Hay´adaha sirdoonka Kenya ayaa tabiyay in dilka Marxuumka uu ahaa mid lasii qorsheeyay, Soomaalida Kenya ayaana aamisan in saraakiil dowladda Kenya ka tirsan iney falkaas ku lug yeelan karaan oo la siyaasadeeyay.

Inkastoo aysan dowladda Somalia arintan ka hadlin, haddana RW Rooble ayaa Kenya ka dalban doona faahfaahin la xariirta dilka Marxuumka maadaama uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo saameyn ku leh Soomaalida gudaha iyo dibadaba.

Marxuum Bashiir oo ahaa 36 sanor jir ayaa loo geystay jirdil ay ka mid ahaayeen in la ceejiyey ilaa uu dhintey,todobaad kahor ayaana la helay meydkiisa. Jirkiisana wuxuu lahaa dhaawac aad u badan, cidiyaha ayaana lagala baxay lugaha iyo gacmahaba, sidoo kale jirkiisa wuxuu lahaa calaamado gubasho ah.

Saraakiisha Sirdoonka Kenya oo ka qeyb qaatay baaritaankan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in si xun dilkan loo gaystay.