MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa la iskugu geeyey Culeys la saaray si looga hor istaago in mar kale xukunka kusoo laabtay.

Mucaaradka Dawlada waxay isku gacan qabsanayaan inay helaan Qof iyaga katirsan in Xukunka dalka qabto oo farmaajo dib usoo laabanin.

Inkastoo guuldaro siyaasadeed uu wajahayo Madaxweyne Farmaajo hadana weli isma dhiibin,balse waxa uu waayey saaxiibo uu ku tashanayey.

Kala jiidashada jirta Ee Siyaasada,Xubnaha Xukunka Raadinaya,Xaalada Kala guurka Dalka iyo Maamul Gobolleedyada Dalka oo maqan waxay muujineysaa Xasarad culus oo laga digayo in dalka galo.

Is qab qabsiga Dawlada,madaxdeeda ayaa baal cusub gelinaya Saaxiibadii mudada soo wada shaqeenayey ee hanqal taaga siyaasada ku kala irdheyn kara.

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa gows adeeg ka muujinaya inuu ku biiro Xisbiga Dawlada Maadama isaguba sharaxan yahay.