Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ugu yeeray Safiirada dalalka Turkiga iyo Qatar u jooga Soomaaliya,kuwaasi oo uu kala hadlay xaalada soo kordhay ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in safiira dalalka Qatar iyo Turkiga uu ku wargeliyay xaaladda bini-aadanimo ee ka jira Gobolka Hiiraan,Baay iyo Gedo,halkaasi oo ay saameyn ku yeesheen daadad ka dhashay Roobab da’ay iyo Fatahaad uu sameeyay Wabiga.

Wuxuu sheegay iney ka aqbaleen dalabka uu u gudbiyay,islamarkaana ay ku wargelinayaan Dowladahooda si dhaqsi ahna kaga jawaabayaan.

Xukuumadaha Istanbuul iyo Dooxa ayaa Fatahaadii hore ee sanad iyo bar ka hor ku dhufatay dalka qeyb weyn ka qaatay u gurmashada dadka ay dhibaatada ka soo gaartay Fatahaada.

Ku dhawaad 51-kun oo Qoys ayaa ku barakacay Fatahaad ku dhufatay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,halkaasi oo xaalad adag oo dhanka bini-adanimada ah ay ka jirto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo xubnaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka ku dhibaateysan magaalada Baladweyne ee geedaha korkooda deegaansanaya.