XOG:-Maxaad ka ogtahay qorshaha Villa Somalia kadib xilka qaadistii Cabdullaahi Kullane?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde,ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali,” ayaa lagu yiri wareegtadda Rooble.

Illo wareedyo ayaa inol xaqiijiyey in Villa Soomaaliya aysan “aad ula dhac saneyn” talaabadda uu Rooble shaqadda uga eryay Cabdullaahi Kullane. Ma cadda haddii ay diidi doonto, waxaana laga yaabaa in Khilaaf cusub soo kala dhexgali doono Rooble iyo Farmaajo.

Kulane, oo kamid ah gacan-yareyaasha madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo, iyo Cali, oo kamid ah saraakiisha taabacsan maamulka xilheyntiisu dhamaatay, ayaa la fahansan yahay in ay hormuud u ahaayeen ficilada bilooyinkii lasoo dhaafay Muqdisho loogu xayiray siyaasiyiin iyo shaqsiyaad dowlada dhaliila oo gobolka kusii jeeday.