MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dame waxaa ku soo badanayey dhac loogeysto dadka wata mootada fekon iyo Mooto Bajaajta intuba.

Hay’ada ammaanka dwladda Federaalka ayaa la sheegay in ay qabteen dhowr Mooto oo laga dhacay Muqdisho, kuwaas oo loo waday degaano ay maamulaan Al-Shabaab.

Kooxo isku xiran ayaa la sheegay in ay dhaca ka geystaan Muqdisho islamarkaana ay beegsadaan Mootada nuuca loo yaqaano Feykoon kadibna ay u iib geeyaan degaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayaa Isgoyska Fagax lagu qabtay Mootooyin la dhacay oo ku rarnaa gaari xamuul ah oo ku sii jeeday Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in la sii daayay dhamaan dadkii ku lug lahaa rarida iyo isku xirka kooxihii ku howlanaa in gaadiidkaan damacsanaa in laga bixiyo Muqdisho.

Ilo wareedyo kuwa amaanka ah ayaa noo sheegay in Al-Shabaab ay xiriir toos ah laleeyihiin kooxaha dhaca ka geesta Muqdisho qaarkood islamarkaana loo dhiibo Mootooyinka yar yarka ah.

Al-Shabaab ayaa aad u daneynaya Mootooyinkaan oo ah nuuc aad u dheereeya islamarkaana ay ku qabsan karaan howlo badan.