Xogtan Culus ee aan helayno ayaa sheegaya in uu socda Isbadel lagu sameenayo Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir taas oo dhowr mar fashil ku yimid in xilka qaadis lagu sameeyo Godoomiye yarisow

Waxaa la saadaalinayaa maalmahan soo socdo labo Nin Midkood in xilka uu ka badelo C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow kuwaas oo aad loo hadal hayo magaalada Moqdisho.

Qofka koowaad  ayaa ah ee loo badinayo inuu xilka qabta ayaa ah Cabdi Jiinoow Calasoow Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, inkastoo la leeyahay waa uu diiday qabashada xilka Gobolka Banaadir.

Qofka labaad ee ay u badan tahay in xilkan loo magacaabo  ayaa ah Axmed Xasan Cadoow Daaci, Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Wadajir oo ay Eng. Yariisow isku heyb yihiin.

RW Kheyre ayaa door bidaya in Shaqooyin kale loo weeciyo Eng,Yariisoow oo Lagana qaado Xilka  Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa wararku  sheegaya in Yariisoow uu Lunsaday Dhaqaale badan oo loogu talo galay Hormarinta Maamulka Gobolka Banaadir sidaa awgeedna laga dadbayo Xeer ilaalinta iyo Hay’adaha Garsoorka si aysan ugu soo oogin xatooyo xoolo shacab.