Xog: Qaar ka mid ah guddigii ay cabashada ka timid ee doorashooyinka oo aan weli la beddelin

8

Guddigii Ra’iisul Wasaaraha u saaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa ayaa ku lug yeeshay fadeexo ku aaddan inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67 xubnood ee la soo eedeeyay.

Guddigan uu hoggaaminayay C/llaahi Carab oo ah Saaxiibka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA oo u sii daayay xubnaha laga keenay cabashada ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa.

Xubinta aan la beddelin ayaa lagu magacaabaa Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha Rayidka, kana soo shaqeeyay Madaxtooyada Villa Somalia, balse markii dambe u wareegtay hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye kuxigeen ka noqday.

Ninkan ayay horay u soo eedeeyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka inuu labo mushaar qaadanayay, isla markaana magdhaw lacageed lagu soo rogay inuu bixiyo mid ka mid ah mushaarkii uu qaadanayay oo gaarayay 6,352 dollar.