XOG:- Safarka R/W Rooble & M/goboleedyada ee Sacuudiga iyo qorshihii Farmaajo oo Fashilmay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda madaxda Dawlad gobolleedyada iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ay u ambabaxay dalka sacuudiga.

Safiirka sacuudiga ee kusugan xafiiska nairobi ayaa warqad casuumaad ah usoo diray 5 madaxweyne Dawlad Gobolleed iyo Ra’iisal wasaare Rooble iyagoo tegi doona Caasimada Riyaadh.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu bilaabay isku day uu uga hortagayo safarka qorsheysan ee la filayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ku tagaan Sacuudiga.

Madaxtooyada ayaa adeegsatay dariiqooyin kala duwan ah oo la marsiiyay safiirka Soomaaliya ee Nairobi oo ku socotay Safiirka Sacuudiga ee Nairobi oo dhimac ah.

Sidoo kale Villa somalia ayaa is hor-istaaga safarkaan waxay u adeegsatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed si uu kaalin uga qaato in safarkaas la baajiyo.

Arrintaas ayaa hada u muuqata mid aan shaqeynaynin oo fashilantay waxaana in saacadaha soo socda ayaa macquul ah inay ambabaxaan.