JOWHAR-AYAAMAHA-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay kasoo baxaayeen deegaanada ay ka joogeen Shabeellaha Hoose, ayagoo ku sii deeda gobolka shabeellaha dhexe.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay weeraro culus kala kulmeen ciidamada Dowladda federaalka soomaaliya iyo duqeymaha ay u geystaan diyaaradaha drone-ka ee Maraykanka.

Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle ayaa walaac ka muujiyey Shabaab kusoo badana deeganada Hir-Shabeelle gaar ahaan Degmada Balcad iyo Waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad.

Dhowr jeer ayaa Al-shabaab waxaa ay weeraro Ka geysteen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe kaasoo ay beegsanayeen baraha kontrool ee ay ciidamada kusugan yihiin iyo sidoo kale weeararo Madaafic ah oo dhowr jeer ay ku weerareen saldhig ciidamada AMISOM  ay ku leeyihiin degmadaasi Balcad.

Ma ahan markii ugu horaysay masuuliyiinta maamulka Hir-Shabeelle ay qaylo dhaan ka Muujiyaaan in wax lagala qabto sugida Amniga deegaanada Hir-Shabeelle gaar ahaan degmada Balcad iyo wadada isku xirta Magaalooyinkaas oo dhowr jeer ay weer ka geysteen ku dileen rag katirsan Masuuliyiinta Hir-Shabeelle.

Masuuliyiinta Katirsan Hir-Shabeelle ayaa ku nafwaayey weeraro gaadmo ah iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso oo Al-shabaab ku weerareen Masuuliyiinta Hirshabeelle.