MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilo ku dhow shirka Djibouti iyo wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee iminka socda ayaa sheegay in Somaliland ay ka dalbatay Mareykanka iyo dalalka kale ee ajendaha qoraya in labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeisa ay ku midoobi karaan uun nidaam “confederal” ah, dalabkaas, oo ka horimaanaya nidaamka federaalka ah ee hadda ka jira qeybaha kale ee Koonfurta!

Confederal: Waa in dalal madaxbannaan ay iskood ugu heshiiyaan iney ku midoobaan aragtiyo dhaqaale, amni iyo istaraatiijiyad sida Yurub!

Noocan ma aha isku milmid toos ah, oo waxay dowladaha isku biiray mid weliba u ogaalneysaa nooc madaxbannaani oo arrimaha gudaha iyo dibadda ah!