MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Ku dedaalaysa inay helaan Hanaan kale oo ay xukunka kusoo laaban karaan doorashada la filayo inay ka dhacdo wadanka.

Maxamed cabdullahi farmaajo ayaa waxaa uu wadaa Qorsho uu ku rabo inuu kula Heshiiyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo raba in xilka madaxweynaha u tartamo.

Sida uu xaqiijiyey Xubin katirsan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa in Laga dhaadhicinayo Xasan Kheyre uu ka tanaasulo Murashaxnimadiisa loona balllan qaado in Xukunka hadii lagu soo guuleysto mar kale Ra’iisal Wasaaraha Xilkiisa kusoo laaban doono.

Shirar iska soo horjeeda ayaa waxay ka socdaan Muqdisho,Adis ababa & Nairobi,iyadoo siyaasiyiinta Hawiye ay sidoo kale isku gacmo qabsanayaan in ay Farmaajo iyo Xisbigiisa Nabad iyo Nolol ay ka adkaadaan.

Lama oga in Ra’iisul wasaare kheyre uu qabali doono qorshaha madaxweyne farmaajo oo ah in kheyre aan isasoo sharaxin taasoo farmaajo u sahli karta inuu mar labaad ku guuleysto xilka madaxweynaha.