MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo sabti ah 27-ka June ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka la filayaa inay xarunta baarlamanka ku yeeshaan kulan xasaasi ah, oo looga hadli doono laba ajende oo muhiim ah.

Xalay ayaa Xildhibaanada waxaa lagu wargeliyey inuu jiro kulankii Golaha ee loo balansanaa inay hor-timaado Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, iyadoo jeedin doonta Warbixin ku saabsan doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in xildhibaanada ay cod u qaadaan xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maalmihii la soo dhaafay laga doodayay, ayada oo uu horyaallo mooshin dalbanaya in 13 kursi la siiyo gobolka.

Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo diidanaa matalaadda gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in la qanciyey kadib wada-hadallo lala galay.

Dhanka kale xog lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xildhibaano ay ku jiraan Wasiiro oo u badan hal beel ay wadaan olole ka dhan ah codeynta Xeerka Mataalada Gobolka Banaadir.

Xildhibaanadan oo badankood kasoo jeeda beelaha Harti iyo Absame, ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Wasiir ku-xigeenka Boostada.

Xubnahan ayaa ku ballamay iney hor-istaagaan Matalaada Gobolka Banaadir ama iney xiraan fadhiga Baarlamaanka ee berri.