XOG Xasaasi ah oo kusoo korortay Drones ay ciidamada NISA ku qabteen Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo 3-dii bishan Ciidanka NISA ku qabteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaaradahan oo lix xabo gaaraya ayaa waxaa sameysay shirkad lagu magacaabo Mugin UAV, oo fadhigeedu yahay Jaziiradda Xiamen, gobolka Fujian ee dalka Shiinaha.

Shirkadda Mugin UAV oo sameesa  diyaaradaha drones-ka ee aduunka oo dhan loogu iib-geeyaa,  laakiin in Turkiga lala xiriiriyo baa dhalisay shaki weyn, oo ku saabsan in ujeedo ka duwan mida uu sheegay Xildhibaan Zakariye loo keenay Soomaaliya.

Diyaaradahan waxaa ka muuqda calaamado iyo numbaro muujinaya inay yihiin nooca kuwa Daacish iyo PKK adeegsan jireen dagaallada Syria iyo Iraq, waana kuwa wax lagu basaaso.

Xildhibaanka wuxuu ku doodayaa inuu u isticmaali rabey waraabka beertiisa ku taalla Puntland, laakiin waxaa jira shaki ah inuu u wadey meel kale, oo markii NISA ogaatey ay qabatay.

Dukuminti sir ah oo laga helay Daacish-ta Syria iyo Iraq ayaa muujinaya in ay 300 oo xabo oo diyaaradaha drones-ka nooca hadda Muqdisho lagu qabtay ay qaab Online ah Internet-ka uga iibsadeen Mugin UAV, Turkiga iyo Yurub, waxayna hashii xabo ku kacday $2,400.

Zakariye sida uu sheegay wuxuu diyaaradahan u wadey Puntland, oo ah fariisinka ugu weyn Daacish ku leedahay Soomaaliya, waxaana suurtagal ah oo aan meesha laga saarin karin ay kooxdan argagaxisadda ah ay leedahay, maadaama dalka soo gelin karin u isticmaashay xasnaadda Xildhibaanka si uu ugu geeyo.

Al-Shabaab iyo Daacish hubka iyo waxyaabaha qaraxyada ka sameeyaan waxay uga soo degaan Garoonka Muqdisho iyo dekadda, waxaana u keena dad ganacsi kala dhaxeeya oo lacag ku siiyaan inay dibadda uga soo iibiyaan, haddana ugu geeyaan meelaha ay ku sugan yihiin.

Diyaaradaha drones-ka ah waxay u badan yihiin kuwa basaaska, waxaana dhawaan Puntland ay sheegtay inay degaanadeeda ka mamnuucday kadib markii lagu qabtay Garoonka Muqdisho diyaarado kusii jeeda Garowe.

Daacish-ta Puntland waxay khatar amni ku haysaa Boosaaso, oo ganacsiga ka jira lacag baad ah ka qaado, iyadoo ku dhuumaaleysanaysa Buuraha Golis iyo Calmadow, oo saldhiga ku leedadahay, halkaasii Ciidanka ka saari waayeen. Waxaa hogaaminaya C/qaadir Muumin oo kasoo jeeda Puntland, kaasoo horey Al-Shabaab uga mid ahaa.