Muqdisho-(Ayaamaha)-Xog gaara oo aan helnay ayaa sheegeysa in Dowlada Qatar ay ku cadaadineyso Villa Somalia in Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hogaamiye kooxeed hore laga raro dhulka Ex- Marino.
Duqa Muqdisho ayaa 11kii bishii Maarso sheegay in xaruntii Ex- Marino ee ciidammadii badda ee Soomaaliya laga dhigi doono aag diblomaasi, sidaasi darteedna dadka deggan halkaasi ay ka guuraan.

Masuul ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo arrintan si dhow ula socda ayaa sheegay in Lacago aad u badan ay Dowlada Qatar ku wareejisay Villa Somalia, iyadoo dooneysa in dhulkaasi ay ka dhisato xarumo waa weyn oo iyada ay leedahay.
Dowlada Qatar ayaa gadaal ka riixeysa arrintan,iyadoo Dowlada Soomaaliya dhankeeda ay ka go’an tahay lacagaha laga qaaday Qatar in la celin balse dhulkaasi sidii looga saari karo Muuse Suudi iyo Shaqsiyaadka ku jira looga saaro.

Muuse oo waagisii hore looga bartay hogaamiye kooxeed leh ciidammo abaabulan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamo hubeysan oo isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin dhulka uu degan yahay, iyadoo Shacabka degan agagaarkiisa ay walwal iyo cabsi ku joogaan halka qaarkood ay iskaga carareen.

Inkastoo Muuse uusan lahayn awooddii uu mar ku naaloon jiray haddana arrintan dhulka oo dad kale ku weheliyaan ayaa laga cabsiqabaa in ay xiisad dhaliso, waase haddii dowladda federaalka ay isku daydo in dadka degan xarunta Ex Marino ay xoog uga saarto.