MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku saaraya madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif,kaas oo ku aadan iney aqbalaan dalabkii GMDQ ee ahaa in mudo 13-bilood loogu daro si ay u xaqiijiyaan in doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhacdo.

Kulamo maalmihii u dambeeyay ka socda magaalada Muqdisho ayaa wali mira dhalin kuwaas oo Hoggaanka madasha lagaga dhaadhicinayo iney ogolaadaan in mudo kororsi ay sameyso Xukuumadda,islamarkaana joojiyaan hadalada xanafta leh ee warbaahinta ay la wadaagayaan.

Villa Soomaaliya ayaa Guddoonka golaha Shacabka u xil saartay iney la xaajoodaan Hoggaanka madasha,islamarkaana arrintaas ka dhaadhiciyaan.

Guddoomiye Mursal iyo ku-xigeenkiisa Muudeey ayaa doraad kulan la qaatay Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif,wuxuuna kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo waliba hanaanka ugu haboon ee si wadajir ah loogu wajahi karo qabsoomadeeda.

Madaxweyne Farmaajo waxaa ka go’aan mudo kororsi iyo in doorashada waqtigeeda ku dhicin,wuxuuna wadaa qorshe uu ku bedelayo Xukuumadda si mucaaradka loogu qanciyo.

Maamul goboleedyada dalka ayaa dhankooda ka biyo diidan hanaanka doorashada ay xukuumadda Soo bandhigtay iyo dalabkii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.