Muqdisho-Ayaamaha-Ilo madax banaan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Laanta Fulinta Soomaaliya ay la wareegtay Awoodii Golaha Shacabka Qaarkood.

Waxa la sheegay in Xukuumada ay hadda kadib la socon doonto oo ay iyadu soo xuli doonto Warbaahinta Baarlamaanka warkeeda imaan doonta.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa loo gacan geliyey arintaan maamulkeeda sida ay xaqiijiyeen Xubno katirsan Kooxda Wardoonka Warbaahinta Muqdisho.

Warar kale ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya ay diideyso warar xubnaha Golaha ku jira Ee Mucaaradka Khabarkooda la faafiyo.

Si looga hortego Arimaha Qaar ayey Dawlada Soomaaliya rabtaa in Warbaahinta Qaranka,iyo warbaahino kooban ay ogolaato inay duubtaan Wararka Baarlamaanka.

Berri dambe Arbaco ah ayaa la qorsheeyey inuu furmo Kalfadhiga 6aad Ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare iyadoo Xildhibaanada afkaartooda Siyaasadeed Ee Dawlada ku dhaliili jireen la cunuqabateeyey.