Mudisho-Ayaamaha-Xog aan helnay ayaa sheegay in amarkii lagu hor-istaagay in xildhibaan Dalays Xasan Aadan ay ka dhoofto garoonka Muqdisho, oo ay aaddo gobolka Gedp uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in maamulka garoonka lagu amray in ilaa amar dambe aysan xildhibaanada baarlamaanka aadi karin Gedo iyo sidoo kale siyaasiinta mucaaradka ah hadii ay dhacdana in ay ka baxaan garoonka Muqdisho ay ku bixi karaan oo kaliya amar sare.

Sababta amarkaan loo soo saaray ayaan lala wadaagin saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho balse waxay u muuqataa mid la xariirta isbadalada amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Itoobiya kawado Gedo.

Xildhibaan Dalays Xasan Aadan waxay kasoo jeedaa gobolka Gedo, waxayna ku beel tahay madaxweynaha, hase yeeshee waxay ka mid tahay siyaasiyiinta fikir ahaan diidan madaxweynaha.