MUQDISHO-AYAAMAHA-Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa sababta keebtay xilka qaadistii Deg-dega aheyd uu Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar uu ku sameeyay Xoghayahii Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Magacaabay C/risaaq Xuseen Aadan.

Xilka qaadista C/risaaq Caato ayaa timid sida la sheegay, kadib markii uu xadgudub lagula kacay uu  ku saneeyay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ahaa ragga aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo la isku dayay in gaari uu watay in lagala wareego Maanta, balse arrintaas aysan dhicin.

Ilo-wareedyo ayaa soo weriyay in Yaxye Cali Hareeri uu Maanta gaari nooca aan xabada karin ku tegay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Kheyre, hayeeshee gaarigii Yaxye ay durbo hareereeyeen Ciidamo ka amar qaata Caato, kuwaasi oo Darawalkii gaariga waday ku amay inuu dego, sidaasina ay kula wareegeen.

Falka ay Ciidankii ka amar qaadayay C/risaaq Xuseen Aadan ay gaarigii Yaxye Cali kula wareegeen ayaa waxaa aad uga carooday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyagoo u tegay Madaxweye Farmaajo una sheegay qaabkii ay wax u dhaceen iyo inay cabasho ka yihiin C/risaaq Caato.

Intaas kadib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si Deg-deg Siihayaha xilla Ra’iisul Wasaaraha Dalka ugu amray inuu xilka qaado Xoghaye C/risaaq Caato, sidaasina xilka looga qaaday.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Mahdi Guuleed ku amray inuu xilka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka si KMG ah ugu Magacaabo C/raxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim oo horay u ahaa ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba Xoghaye Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo xilkaas haayay muddo 8-maalmood ah, isagoona horey xilkaas ugala wareegay Axmed Nuur.