Kismaayo-Ayaamaha-Xog ay heleen warbaahinta qaar ayaa sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo uu amar ku bixiyey in lasoo xiro Mas’uul katirsan  Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa ujan jeera dhanka Axmed Madoobe uu ka hor yimid Falsafada Afduub Ee Dawlada ka wado Gobolka Gedo.

Sida wararku ay sheegayaan  gudoomiye Al Qaadi ayaa hadda wajahayo Xaalad amni,waxaana raadis ugu jira Ciidamada Itoobiya oo lagu amray inay gacanta kusoo dhigaan.

Gudoomiye Al qaadi ayaa lasheegay inuu xiriir  lasameeyey Maamulka Kismaayo wuxuuna ka codsaday inay ciidan usoo diraan si amnigiisa loo sugo.

Wali lama oga sida ay xaaladu noqon karto saacadaha soo socda,waxaana uu Al Qaadi uu kamid ahaa Ahlusunada Gobolka Gedo waxaana hadda la ogeyn meesha uu ku dambeeyo.