Dhuusamareeb-Ayaamaha-Dad ku nool deegaan lagu magacaabo Dabagalo oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa noo sheegay in mar qura casir liiqii shalay ay ka war heleen qarax aad u xoogan oo ka dhacay xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel duleedka ka ah deegaankaas oo u dhaxeysa Dabagalo iyo degaanada Miliqo oo hoos taga degmada Xarardheere.

Dadka noo waramay ayaa sheegay in seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ku howlanaayeen diyaarinta qaraxaas, wallow aysan sheegin halka loo waday.

Dhamaan xubnihii diyaarinayey qaraxaas iyo dagaalyahano kale oo ku sugnaa xarunta lagu dhex sameynayey ayaa la sheegay inay goobta ku dhinteen, sidoo kale waxay dhaawacyo soo gaareen inta badan dagaalamayashii kale ee ku sugnaa xarunta, in kasta oo aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab uga geeriyootay qaraxaas.M

Macada wali halka ay Al-Shabaab doonayeen inay ku weeraraan qaraxa fashilmay, waxaana xusid mudan in habeeno ka hor qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Dhuusamareeb iyo magaalooyinka waaweyn ee Galmudug ayaa aad loo adkeeyey amaankooda, waxayna ciidamada amaanku si joogto ah uga sameeyeen howlgallo iyo baaritaano guri-guri ah.