Muqdisho-Ayaamaha-Cabdi Maxamed Sabriye oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo deegaanada Soomaaliland aysan ka dhaceyn doorasho ilaa laga xaliyo caqabado jira.

Wasiirka oo goobjoog ka ahaa kulankii Baarlamaanka ayuu sheegay in dadka jooga deegaanada Soomaaliland aysan ka qeyb galeyn doorasho,hadii aan Alle xaalad deg deg ah keenin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ku nool deegaadada Soomaaliland ayuu sheegay in laga Shaqeeyso sidii ay ku imaan lahaayeen,maadaama weli ay aaminsan yihiin inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Magalada Muqdisho ayuu sheegay in maqaamkeda aan weli go’aan laga gaarin,sidaas daraadeedna aysan fududeyn inay doorasho ka dhacdo,waxana uu isweeydiiyey waxa ay noqon karto matalaada ay yeelanayaan Shacabka Gobolka Banaadir.