Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay tartankii Sharikadah diyaaradaha ugu jireen daabulidda Xujeyda Soomaalida ah.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii si wanaagsan loogu adeegi lahaa Xujeyda Somaaliyeed,waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiradaha Wasaaradaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in tartankii loogu jiray Daabulidda Xujeyda ee Sharikadaha diyaaradaha ay ku guuleysteen 11 Sharikadood.

Wasiir Cismaan Dhuubow ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay kormeer joogto ah ku sameyn doonto Sharikadaha ku guuleystay tartanka, islamarkaana la socon doonto sida ay ugu adeegayaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa diyaar garowgii ugu dambeyey ugu jirta u adeegidda 11500 oo Xaaji sanadkan,waxayna balan qaaday in ay kormeeri doonta lana xisaabtami doonta Shirkadaha u adeega Xujeyda Soomaliyeed ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.