Muqdisho-(Ayaamaha)-Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Shir ay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee dalka, shirkaas oo ay kasoo sareen qodobo ay ku dhaliilayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geelle Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda  Soomaaliya oo shirkaasi ka hadlayey ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta ka qeyb gashay shirka Magaaladda Nairobi in aysan ku fogaan mucaarad nimadda.

Wasiirka Geelle waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay haatan wado  isku raadin dadka Soomaaliyeed laakiin mucaaradka ku shiraya dalka dibadiisa looga baahan yahay  in aysan orodka  ka badin hadii aysan ka tanaasuleyn mucaaradnimada.

Geelle ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta hanka hoggaamineed leh in ay dowladda soo hor fariistaan,isla markana ay ka wada hadlaan Soomaali ahaan masaalixda Ummadda Soomaaliyeed wax walbana dhameeyaan.

Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo qaar ka mid ah Xisbiyada mucaaradka ee ku shiray Nairobi ayaa qodobadii ay oo saareen waxaa ka mid ahaa inay qabsan doonaan shirweyne ay ku doonayaan inay kusoo dhisaan xukuumad Cusub ,iyaga oo ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya inay fashilantay,waxaana badi ay ahaayeen kuwo xilal kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray.