MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu shir gudoomiyey shirka Guddi hoosaadka tubta siyaasadda loo dhanyahay ee Golaha Wasiirrada.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada.

Sidoo kale waxaa shirka diirada lagu saaray iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021 oo siyaasiyiin badan ay shaki geliyeen inay waqtigeeda ku qabsoonto.