MUQDISHO-AYAAMAHA-Todobaadkii hore Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegay in iyaga iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in midba midka kale uu xafiis ka furto deegaannadooda.

Bishii Febraayo ee sanadkan, Taiwan oo iyadu xitaa ay ictiraaf raadineyso ayaa heshiis is-afgarad ah la yeelatay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Arrintaas ayaa markiiba waxa cambaareysay dowladda Federaalka ee Soomaliya.

Shiinaha dhankiisa wuxuu bogaadiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cambaareysay kullan dhawaan dhexmaray madaxda Taiwan iyo mas’uuliyiin ka socday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday maxbanaannida ee Somaliland.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Muqdisho iyo Beijing ay dhowrayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee labadooda dal, ka dib kulan uu madaxweynaha la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

“Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay in dadaalkeeda ku aadan hubinta qiyamka iyo mabda’a Shiine mid ah isla markaana uu cambaareeyay tallaabada Taiwan ee wiiqeysay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, waana ugu mahadcelinayaa arrintaas,” ayaa lagu yiri qoraal barta Twitter-ka uu ku soo qoray afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha.

Haddaba, Maxay tahay Taiwan?

Jahwareer iyo khilaaf ayaa ka taagan waxay Taiwan tahay iyo weliba wixii loogu yeeri lahaa – dal mise gobolka k tirsan Shiinaha.

Taiwan waa Jaziirad leh wax walbo oo madaxbanaani ay ku heli karto, tan iyo sanadkii 1950kii, balse Shiinaha wuxuu u aqoonsanyahy gobol ka mid ah dhulkiisa oo gooni is taag doonaaya, waxaase lagu qasbayaa in ay ka mid tahay Shinaha xita hadii “xoog loo adeegsanaayo”.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu sheegto Taiwan in ay dhulkiisa qeyb ka tahay sannadkii 1949kii, wixii ka dambeyay dagaalkii sokeeye ee Shinaha.

Xilligaa waxay ahayd markii laga adkaaday dowladdii wadaniyiinta ee Shiinaha oo kadibna u qaxay Jaziradda waxaana awoodda la wareegtay xukumaddi Shuciyiinta ee uu hogaaminayay Mao Zedong.

Afrika iyo Taiwan

Daafaha caalamka, in ka yar 20 dal ayaa hadda Taiwan u aqoonsan waddan madaxbannaan.

Sannadkii 2018-kii, dalka jamhuuriyadda Dominican aya dhanka Shiinaha u wareegatay. “Waa saameynta dunida, taiwan na taageero ayey sii lumineysaa,” ayuu yiri nin arrimaha caalamka ka faallooda oo lagu magacaabo Khan-Maxamed.

Dadka qaar waxay sheegaan in taageerada ay Taiwan lumisay ay sababtay in dal ahaan looga aqoonsan waayo caalamka.

Marka Qaaradda Afrika la eego, Shiinaha mar buu ka ahaa wax aan si wayn looga taageerin, Taiwan na ay xoog ku leedahay. Balse hadda waxay u muuqataa in Taiwan laga masaxay qaaradda.