BUDAPEST, HUNGARY – FEBRUARY 11: US Secretary of State Mike Pompeo appears with Hungarian Foreign Minister Peter Szijjarto (not pictured) at the foreign ministry on February 11, 2019 in Budapest, Hungary. They were expected to discuss energy issues and the debate over Huawei, the Chinese telecommunications company whom the U.S. accuses of stealing trade secrets and violating Iran sanctions. Afterward, Secretary Pompeo was scheduled to meet with Hungarian PM Viktor Orban. (Photo by Laszlo Balogh/Getty images)

USA-(Ayaamaha)-Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo oo shir jaraa’id Saxaafadda la halay ayaa sheegay in ay Iiraan ka dambeysay weerarro lagu qaaday Shalay Maraakiib Shidaal oo mareyay Badda Cumaan ee Khaliijka.

Wuxuu sheegay in ay Iiraan halis ku heyso ganacsiga Shidaalka Adduunka, isla markaana ay ka dambeyso weerrarada lagu qaaday Maraakiibta Shidaalka lagu qaadayo.

Mike Pompeo; wuxuu caddeeyay in walaaca ay arrintani ka qabaan ay gaarsiiyeen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, isla markaana haddii ay sii socdaan falalka Iiraan uu Mareykanku difaaci doono danihiisa iyo xulufadiisa Bariga Dhexe.

Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegay in Xuuthiyiinta ay taageerto Iiraan ay weerarro ku qaadeen Dalka Sacuudiga, wuxuu intaa raaciyay in ay Iiraan tahay mid halis gelin karta amniga Dunida oo uu Dhiig badani ku daato.