Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia waxaa shalay lagu dilay Sarkaal ciidan oo si weyn ugu dhawaa madaxweyne Farmaajo.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaalkan lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guutaale oo lagu dilay degmada Dharkeynley.

Dilka sargaalkaan ayaa waxaa ka dambeeyay kooxo ku hubeysan bastoolado oo loo badinayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Darajada sargaalkaan ayaa lagu sheegay inay aheyd Kabtan kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guutaale,ayaa lagu dilay Degmadda Dharkinley.

Kaptan maxamed Cumar Guutaale ayaa kamid ahaa taliska ciidanka ‘Xoogga’,wuxuuna kamid ahaa Saraakiisha sida weyn ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in

Madaxweyne Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilka Taliyaha,islamarkaana cadaaladda la horkeeno cida ka dambeyso.