Muqdisho-(Ayaamaha)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

Golaha Wasiirada ayaa maanta ansixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ka guuleystay ilaa 140 qof oo xilkaas u tartantay.

Cabdiraxmaan oo kasoo jeeda Deegaanada Somaliland ayaa mid ahaa xubnihii u tartamayay hoggaaminta Bankiga dhexe ee Somaliya.

C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa horey u ahaa la Taliyaha dhanka arrimaha Dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

Bishii January ee sanadkan ayaa waxaa aad loo hadal hayay in Guddoomiyaha Bankiga Dhexe uu noqonayo nin Ajnabi ah, taasi oo khilaaf ka dhex dhalisay masuuliyiinta qaarkood ee dowladda.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa bishii August ee sanadkii 2018-kii shaacisay in jagada Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya ay banaan tahay una tartami karaan Somali iyo Ajaanib.