Yaa loo waday gaariga aan xabbada karin ee laga dejiyey Beledweyne?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa waxaa Maanta ka degtay diyaarad siday gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet Proof (Car).

Gaarigaan oo diyaaradda ka qaaday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Gaarigaan dowladda Federaalka geeysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loogu tala-galay inuu adeegsado Yuusuf Daba-geed.

Weli lma oga sababta xiligaan keentay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet Proof (Car) ku wareejiso Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.