Yaa soo abaabulay Mooshinka xilka qaadista Qoor qoor laga diyaarinayo?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhaq dhaqaaqyo xoog leh ayaa laga soo sheegayaa magaalada dhuuso mareeb ee caasimada galmudug waxaana socda olole xilka looga qaadayo madaxweyne qoor qoor.

Mooshin ayaa la sheegay in la diyaarinayo oo xildhibaanada qaar ay kaga soo horjeedaan hanaanka maamul ee madaxweyne axmed cabdi kaariye.

Kudhawaad 60 xildhibaan ayaa la sheegya inay mooshinka isku diin waan geliyeen iyagoo qodobo dhowr ah ku heysta inuu jebiyey madaxweynaha labadii sano uu xukunka hayey.

Qoor qoor oo lacago badan ka sameeyey doorashadii xildhibaanada federaalka ayaa warar hoose ay sheegayeen inuu cadaadis kala kulmayey Villa soomaaliya si uu xukunka dalka iskugu soo sharaxo.

Iyadoo sidaas ay aheyd ayaa mowjado hor leh lagu daaray oo xildhibaano ayaa mooshin la sheegay inay ka wadaan ay xilka uga qaadayaan,xilli kuxigeenkiisa Cali Daahir ciid iyo isaga aysan isku wanaagsaneyn muddooyinkii dambe.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed macalin Fiqi iyo wasiir kuxigeenka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al cadaala ayaa labadooda midkood laga yaabaa inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Galmudug hadii uu meesha ka baxo qoor qoor sida loo badinayo.