Yaasiin Fareey oo beeniyay warar kasoo baxay xaaladda Mukhtaar Roobow.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo ah ku simaha agaasimaha hay’adda Nabadsuggidda iyo Sirdoonka ee NISA  ayaa beeniyay hadal ay ehelada Mukhtaar Rooboow ku sheegeen in warbixinta uu kasoo saaray xaaladdiisa ay tahay mid aan sax aheyn.

Waxaa uu sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku suganyahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu suganyahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Sidookale waaxa uu intaas ku daray in nolosha iyo amniga ROOBOW ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Yaasiin Farey sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Isagoo ka hadlayay kuwa ay yihiin shuruudaha aanu buuxiin Mukhtaar Rooboow, waxa uu Gashaanle Sare Yaasiin Farey sheegay “In haddii qofka la wanaajiyo aysan ka dhigneyn inuu shuruudaha uu wada buuxiyay.

Wuxuu intaas ku daray inaysan hadda Mukhtaar Rooboow aysan u heynin arrimo siyaasadeed, balse loo hayo amnigiisa iyo ilaalinta amniga dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu sheegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey in Mukhtaar Rooboow oo la siidaayo ay ku xirantahay isaga iyo dowladda guud, sida uu hadalka u dhigay.

Ehelada Mukhtaar Robow, ku xigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab oo muddo saddex sano ah u xirnan dowladda Soomaaliya ayaa beeniyey hadal kasoo baxay ku simaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Yaasiin Farey oo ka jawaabayay dalab la xiriiray xaaladda Rooboow uu uga yimid wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Maxmed Nuur ayaa jawaabtiisa ku sheegay in Roobow uu halis ku yahay bulshada iyo inay si joogto ah ugu yimaadaan, soona boqodaan qoyskiisa, xaaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbado.