Muqdisho-(Ayaamaha)-Richard Karemire Afhayeenka Ciidamada difaaca Yugaandha oo la hadlay shabakadda wararka ee Edge.ug ayaa sheegay in falkii dhowaan ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho in uu ahaa mid kedis ah.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Sarkaalka is dilay lagu Magacaabi jiray, Edward Sebagala, Haweeneyda uu dhaawacayna lagu Magacaabo Jackie Nabifo, isagoo tacsi u diray ehelada Sarkaalka is toogtay, wuxuuna sidoo kale caafimaad Alle ugu baryay Haweenyeda dhaawaca ah oo ka mid aheyd Ciidanka AMISOM.

Richard Karemire, ayaanan sheegin sababta ka dambeysay dhacdadan , balse waxaa uu xusay in uu jiray xiriir ka dhexeeyay Askartaasi iyo Haweeneyda uu dhaawacay.

Waxaa indhawaalaba soo badanayay dilalka ay dhexdooda isu geysanayaan Ciidamada ka socda Dalalka Midowga Africa, iyadoo Bishii la soo dhaafay ee May isla Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ay isku dileen Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidanka AMISOM.