Diinta Islaamka oo noqotay tan labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muslimiinta ayaa la saadaalinayaa in ay noqdaan dadka haysta diinta labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka marka la gaaro 2040-ka, xilli ay sii baahayso tirada dhalmada Muslimiinta iyo socdaalkooda ay ku tagayaan dalkaas, sida ay ku warramayso cilmi-baaris ay kal hore sameysay Xarunta Cilmi Baarista ee Pew.

Warbixinta ay samaysay hay’addan, ayaa ku salaysan isku-darka sahan iyo xog laga helay Xafiiska Tirakoobka Maraykanka xilli hore, kaas oo aan hadda uruurin macluumaadka ku saabsan xiriirka diimaha.

Pew ayaa sahaminteedii ugu horreysay ku sameysay Muslimiinta Mareykanka sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo lagu qiyaasay 2.35 milyan gudaha Mareykanka, sida ay sheegtay hay’addu. Sahankeedii saddexaad iyo kii u dambeeyay, ee la daabacay 2017, ayaa lagu qiyaasay in tiradu ay ahayd 3.45 milyan.

Marka la gaaro 2050, Muslimiinta waxaa la filayaa in ay noqdaan 2.1 boqolkiiba wadarta dadweynaha Mareykanka – ilaa 8.1 milyan oo qof, sida ay sheegtay Pew.

“Marka ay sii kordhayaan tirada dadka Muslimiinta ah, Mareykanku waa inuu ku baraarugaa xaqiiqada ah in Islaamku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhismaha dalka,” ayuu yiri Ihsan Bagby, oo ah barafasoor ku-xigeenka daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Kentucky, xubinna ka ahaa guddigii la-talinta ee sahanka Pews 2017 ee Muslimiinta-Mareykanka.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Pakistan, Iran, Hindiya iyo Afghanistan ayaa ka mid ahaa dalalkii tirada ugu badan ee Muslimiinta ay ka soo galeen dalka Mareykanka, sida uu sheegay Beshiir Maxamed oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Pew.

Laakiin, sida laga soo xigtay Bagby, ma ahan dalalkii mas’uulka ka ahaa kobacan dhow ee degdegga ah.

“Waxaa jira horumar degdeg ah oo ay samaynayaan dadka soo-galootiga ah, kuwaas oo u heellan inay horumariyaan xaaladdooda dhaqaale iyo waxbarasho, laakiin waxaa sidoo kale jira mowjado dad ah oo ka aag beddelanaya diimahoodii hore,” ayuu yiri.

Bagby ayaa filaya in ay kordhi doonto tirada Muslimiinta ka soo haajiraysa dalal kale oo ay ku jiraan Yemen iyo Suuriya, oo labaduba ay colaado ka socdeen tan iyo 2011-kii.

Eid prayers in Bradford, 2020

“Mar kasta oo ay badato dhibaatada ka jirta dunida Muslimka, waxaa sii badanaysa dhiirigelinta socdaalka,” ayuu raaciyay.

“Muslimiintu waxay u muuqdaan inay yihiin dad da ‘yar hadday tahay kuwooda jooga caalamka kale iyo Maraykankaba, sidaa daraadeed, inta badan haweenka waxay weli haystaan sanado badan oo dhalmo ah,” Maxamed ayaa yiri.

Bagby waxa ay rajaynaysaa in kobaca Muslimiinta Maraykanku ay si togan u saamayn doonto aragtida guud ee dadka oo dhan.

Muslimiintu waxay ka kooban yihiin boqolkiiba hal wadarta guud ee dadka Mareykanka, waxayna si filiqsan ugu fidsan yihiin dalka oo dhan, iyagoo ku badan magaalooyinka, sida uu sheegay Bagby.

“Korodhka tirada Muslimiinta waxay dhab ahaantii siin doontaa fursad dheeraad ah oo ay kula kulmaan dad kale. Inta badan Muslimiintu marka ay yimaadaan waxa ay ku baahaan gobollada Mareykanka,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “taas oo hoos u dhigaysa aragtida xun ee dadka qaar ay ka aamineen Islaamka iyo Muslim-nacaybka beri hore faafay.”

Sida lagu sheegay warbixin 2015 ka soo baxday Machadka Cilmi-baadhista Diinta Dadweynaha, 83 boqolkiiba dadka Mareykanku waxay sheegaan inay wax yar ka og yihiin caqiidada iyo dhaqamada diinta ee Muslimiinta.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, bulshada Muslimiinta Maraykanku waxay u bislaadeen ku lug-lahaanshiyaha siyaasadda iyo qaadashada aqoonsigooda, ayuu xusay Bagby. Wuxuu aaminsan yahay in kororkooda dadweynuhu ay ka dhigan tahay kobaca awoodda iyo waxtarka Muslimiinta Mareykanka.

“Waxay ila tahay in tirada badan ee laxaadka weyn ay la macno tahay kor u qaadidda codkooda bulsho ahaan,” ayuu yiri.

BBC