XOG:-Cali Guudlaawe oo bedelay qorshihii dahfurnaanta doorashada, isagoo lasaftay Musharax gaar ah.

JOWHAR-AYAAMAHA-Waxaa dib loo dhigay doorashada Aqalka Sare Hirshabeele, Waxaana jiray buuq xooggan oo ka taagan Magaalada Jowhar kadib markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele ay saakay u gacan qaadeen gudoomiye ku Xigeenka 1aad Siraaji Sheekh Isaaq.

Seddax Kursi oo harsan ayaa ah kuwa adag oo salka kula jira Xulafo siyaasadeed oo adag oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulkaas ee Guudlaawe iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka HirShabeelle.

Waxaa loolan adag ka dhaxeeyey Xassan Kubac oo ah ganacsade iyo Abdinur Ibraahim Fareey oo samafale ah, waana kursiga dooddiisa ay saakay taagantahay Waaana midka saakay gacan ka hadalka uu ka dhashay.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Cali Guudlaawe Madaxweynaha HirShabeelle uu damacsan yahay in Xasan Kobac xoog uu ku fariiso kursuga beesha Jajeele, taasoo diiday Guddoomiye ku xigeenka koowaad Baarlamaanka HirShabeelle. Siraaji Guddoomiyenimadiisa waxaa uu ku matalaa Beesha muranka ka dhexeeya.

Sidookale Guddoomiye ku xigeenka 2aad  Baarlamanka Hirshebeele Mahad Xasan Cusman oo udhashay Beesha Reer Awxasan iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inay lacag badan iyo Guryo ugu qaatay in kursiga ay u boobaan Xasan Iidow (Xasan Kobac).

Xasan Koabac ayaa lagu xantaa inuu yahay Milkilaha HirShabeelle, isagoo la sheegay in lacag badan uu siiyey Xildhibaanada iyo madaxweyne Cali Guudlaawe iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad.

Guddoomiye ku xigeenka koowad Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ku doodaya in cadaalad loo tartamo oo seddexda nin ee Beesha kursiga ka dhaxeeya loo cadaalada falo, hadaysan aheyn aan dhici karin in cid gaar ah kursiga loo xiro, taasna waa tan sababtay gacan ka hadalka.

Kursigan aadka u aadkay ee Beesha Jajeele ayaa waxaa hada ku fadhiya Senator Cismaan Macow oo afartiisano ee la soo dhaafay Beesha ku matalaayey kursiga, waxaana uu kamid yahay tartamayaasha.