XOG laga helay warbixinta uu soo wado ‘Fahad Yaasiin’ ee Kiiska Ikraan Tahliil

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxda NABAD IYO NOLOL waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u koreen, sidii ay kaga hortagi lahaayeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee cadaaladda loogu raadinayo Ikraan, si ay uga badbaadaan gacmaha sharciga, Farmaajo ayaana 18-ka bishaan isugu yeeray Golaha Amniga si uu Fahad Yaasiin ula wadaago xogta kiiskaan.

Hadaba, waa maxay qorshaha ay dajiyeen hoggaankii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si ay isaga riixaan dilka Ikraan Tahliil?

Fahad Yaasiin, wuxuu Ikraan Tahliil, ku eedeeyn doonaa in ay ku lug lahayd qarixii lagu khaariyiyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), isla-markaana ay aano qabiil iyo ka aarsi u dileen shaqsiyaad ku heyb ah AUN duqii Muqdisho, kuwaas baxsaday kadib falka khaarijinta Ikraan.

Fahad, wuxuu hoosta ka xariiqo doonaa in Ikraan wada-shaqeyn ay howlaha ugu fududeyso kala dhaxeysay Kooxda Al-Shabaab isla-markaana ay ahayd labo shaarre, si guud khatar ugu ahayd laamaha amniga.

Dilka Ikraan, waxuu dusha laga saari doonaa, shaqsiyaad ku heyb ah, AUN, Eng: Yariisow, (ABGAAL) si culeyska looga dul qaado beesha Fahad Yaasiin (REER OW-XASAN) oo dhallinyaro ka soo jeedda lagu af-duubtay Baledweyne, kadib markii lagu dhaqaawaqay geerida Ikraan.

Ujeedka qodobkaan, waa in la isku dhifto, qabiillada Soomaaliyeed ee Gaaljecel iyo Abgaal, si loo marin-habaabiyo kiiska, isla-markaana hor-geynta sharciga looga badbaadiyo taliskii hore ee NISA, si aan cadaalad loogu helin Ikraan.