Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha K/galbeed Oo Is Hortaaagay Wariyaal Hawlo Shaqo U Tagay Degmada Quracjoome.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wasiir u Dowlaha wasaarada Arimaha Gudaha Koonfurgalbeed ayaa is hortaag kusameeyay wariyaal madax banaan oo howlo shaqo u tagay degmada Quracjoome Ee Gobolka Bakool.

Cabdimaalik Ibraahim oo ah Wasiru Dowlaha wasaarada arimaha Gudaha Koonfurgalbeed ayaa si sharciga kabaxsan ula dhaqmay wariyaashan isagoo handaday una adeegsaday Ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida ee NEW BOOLIS oo si sharci Darro ah u jooga Degmada Quracjoome Ee Gobolka Bakool.

Wasiirka ayaa la sheegay in cunaqabateyn shaqsi ah ku haayo Magaalada islamarkaana aysan jirin cid ka howlagali karta hadii ay tahay Hay’adaha gargaarka iyo wariyaasha madaxa banaanba intuba.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Magaalada keenay Ciidamo NEW BOOLIS ah oo ka amarqaata wasiirka oo si sharci darro ah uu xadka ugu soo gudbiyay si uu Bulshada Deegaanka ugu handado

Wariyaashan ayaa hawlo shaqo oo laxiriira soo tabinta horumarka Magaalada iyo baahiyaha kajira dhinacyada waxbarashada,Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada utagay Magaalada ayaa laga hor istaagay, Wariyaasha ayaa ugu danbeyn si qasab ah Looga saaray Quracjoome.