XOG Xasaasi Ah:-Musharraxiin Lacag Kubixinaya Sumcad Dilka Sheekh Shariif.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar kamid ah nusharaxiinta u taagan xilka madaxweynennimo iyo Hay’addo katirsan XFS ayaa la ogaaday in ay qarash farabadan ku bixinayaan si ay dhaliil uusan lahayn ugu sameeyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Xog xasaasi ah oo ay ogaatay Warbaahinta AYAAMAHA ayaa sheegaysa in xubno sar sare oo kamid ah murashaxiinta Mucaaradka iyo mas’uuliyiin kale in ay dhawaanahaba ku howlanaayeen dacaayado ka dhan ah mudane Shariif Sheekh Axmed, kuwaasoo lagu baahiyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Siyaasiyiintaan ayaa la sheegay in ay dhaqaalo farabadan ku bixiyeen shaacinta warar been abuur ah oo lagula dagaalamaya maqaamka iyo sumcada sare uu sheekh shariif ku dhexleeyahay Bulshada soomaaliyeed iyo caalamkaba.

Sababta dhabta ah ee arinkaan ay usameynayaan oo ay baaritaan ku sameysay warbaahinta AYAAAMAHA ayaa ah, in shariif uu yahay musharaxa ugu cadcad ee xilka madaxweyneninmo ee dalka.

Shariif ayaa la sheegay inuu kasbaday quluubta shacabka soomaaliyeed soona jiitay indhaha beesha caalamka kadib markii la ogaaday i uu yahay nin la jaanqaadi kara hanaanka dimoqraadiyadeed ee ay doonayaan duninada hormartay iyo shacabka u ooman nabadda iyo xasiloonida siyaadeed.

Xubnaaha ka kooban mucaaradka iyo dowladda ee isku bahaystay ragaadinta loolanka adag ee ay kula jiraan sheekh shariif ayaa waxay kor u qaadi kartaa fursadaha Shariif Sheekh ee doorashada madaxweyne-nimo ee soo socota.

Sheekh shariif ayaa muddadi uu xilka haayey lagu bartay hufnaan dowladnimo, dulqaad iyo furfurnaan siyaasadeed, taas oo ay wehlisay ka dhabeynta la dagaalanka argagaxisada iyo curinta nabad gelyo buuxda oo lagu naaloodo.

Fillo:- Waxaan dhawaan soo bandhigeynaa faahfaahin ku saabsan lacagaha lakala qaatay iyo cidda adeegsatay.

Warbaahinta Ayaamaha
Xafiiska Baaritaanka xogaha xasaasiga ah