DEG DEG:- Mid kamid ah saraakiisha caafimaadka oo lagala baxay Isbitaal laansareeti.

MUQDISHO-AYAAMAHA-War goordhow nasoo gaaray ayaa waxaa uu sheegaya in Isbitaalka laansareeti ee degmada Cabdicasiis lagala baxay mid kamid ah saraakiisha caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalkaas.

Warara aan helnay ayaa waxaa uu sheegayaa in ciidamda Booliska Soomaaliya ay Isbitaalka kala baxeen kadibna ay xabsiga u taxaabeen.

Xog hoose oo an helay ayaa sheegaysa in sarkaalkaan la xiray iyo ciidmada Booliska ay isku haystaan dhulka Isbitaalka oo ah dhulka danta guud.

Sarkaalkan caafimaadka ee xabsiga la dhigay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi calasow cadow, waxaana la sheegay inuu ka biyo diiday qorshe ay wadeen ciidanka Booliska.

Sidookale arrintaan ayaa waxaa soo dhexgalay wasiirka amniga gudaha Cabdulaahi Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Taliye Xijaar.

Isbitaalka Laansareeti waa Isbitaal aad u weyn oo leh qeybaha kala duwan ee daryeelka Bulshada. Qeybta dhimir, waxaa jiifa ku dhowaad 200 oo qof oo qaba cudurka dhimirka iyio sidoo kale qeybta lagu daryeelo caruurta nafaqadarrida haysa oo ay jiifaan caruur haysata nafaqa darro sida aan ka soo xigay mid kamid saraakiisha caafimaadka.