Waxaa qoray BBC.
Taariikhdu markii ay ku beegnayd 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 1956-kii, ciidamada Israa’iil ayaa billaabay howlgal lagu magacaabay “Musketeer” oo ay ku qaadeen saxaraha Siinaay.
Ujeeddada weerarka Israa’iil waxa ay ahayd inay qabsadaan Kanaalka Suez, oo marin-biyood u ah maraakiibta isku xirta inta u dhaxaysa Mediterranean-ka, Badda Cas iyo Masar.
Dowladda Masar ayaa Kanaalka Suez u aragta muhiimad qaran oo lama taabtaan ah.
Howlgalka Musketeer waxaa hoggaan u ahaa jeneraal u dhashay Britain oo lagu magacaabi jiray Sir Charles Keightley. Markii hore waxa uu qorshuhu ahaa in weerarkan ay si wadajir ah u fuliyaan Britain iyo Faransiiska oo wehlinaya Israa’iil.
Balse Israa’iil kaligeed ayaa billowday 29-kii bishii Oktoobar.
Sir Antony Eden, oo ahaa Raysul Wasaarihii Britain ee xilligaas, ayaa markii dambe sheegay in uusan ka warqabin weerarka hore ee Israa’iil.
Raysul Wasaarihii Israa’iil, Ben-Gurion, ayaa taliyihii ciidankiisa, Jeneraal Moshe Dayan, ku amray in uu qorsheeyo weerar lagu qaado Masar.
Subaxnimadii 29-kii Oktoobar, 1956-kii, weerarka Israa’iil waxaa hoggaamisay diyaarad, si loola wareego marinta saxaraha Siinaay.
Dagaal culus ayaa ka dhex qarxay militeriga Masar iyo ciidamada Israa’iil.
Maalintii xigtay, Britain iyo Faransiiska ayaa soo saaray amar ay labada dhinac ku siinayaan in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda.
Israa’iil way sii wadday howlgalka, iyadoo Masar ka rajaynaysay in ay samayso weerar-celin.
Hase yeeshee, si ka duwan filashadii Israa’iil, Madaxweynihii Masar ee xilligaas, Jamaal Cabdinaasir, ayaa ku amray ciidankiisa in ay dib u gurasho sameeyaan.
Markii uu Madaxweyne Jamaal diiday in uu u hogganasamo dalabkii Britain iyo Faransiiska, xulafadu waxay billaabeen duqaymo ay ku xakamaynayaan ciidamada cirka ee Masar.
Guuto ka mid ah ciidamada Britain ayaa la wareegtay garoonkii ciidamada cirka ee Al Jamil, halka ciidamada Faransiiska ay qabsadeen dekedda Fouad.
Shantii Nofeembar, oo ku beegnayd qiyaastii saddex bil kaddib markii uu Naasir qarameeyay Kanaalka, waxaa soo weeraray Britain iyo Faransiiska.
Waxay weerarkooda ku billaabeen duqaymo bambooyin loo adeegsaday, kuwaasoo ciidamada cirka ee Masar ku kallifay in ay dhulka joogaan.
Muddo 45 daqiiqo gudaheed ah, guud ahaan iska caabbintii dhinaca cirka ee Masar waa laga adkaaday. Ciidanka Badda ee Britain ayayna u fududaatay in ay diyaaradaha qumaatiga u kaca saanad iyo raashin ku gaarsiiyaan ciidamadooda.
Maaddaama saldhigga ciidanka cirka ee Al Jamil la qabsaday, ciidamada dallaayadaha ku booda ee Britain waxa ay u dhaqaaqeen dhinaca bari ee dekedda Saciid, iyagoo sii wajahayay iska-hor-imaad culus oo ku qabsaday waddada.
Caawinaadda ay ka helayeen dhinaca hawada awgeed, waxay ka adkaadeen ciidankii Masaarida.
Sida loo joojiyay ciidamadii ka adkaaday militeriga Masar
Lixdii bishii Nofeembar, xeebaha Masar waxaa weerar xoog leh kusoo qaaday maraakiib dagaal oo xambaarsanaa taangiyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Waxaa kale oo wehlinayay ciidamada Faransiiska, durbadiina waxaa la jebiyay militerigii Masar.
Isla maalintaas habeenkeedii ayuu xoghayihii Qaramada Midoobay ee xilligaas, Dag Hammarskold, codsaday in xabbad-joojin la sameeyo.
Ciidamada Britain iyo Faransiiska tallaabadooda xigta waxay ahayd inay isku dayaan la wareegista guud ahaan Kanaalka Suez, balse waa la joojiyay.
Sida laga soo xigtay khubarro militeri oo si aad ah ugu kuur galay arrintaas, howlgalka xulafada la safnayd Israa’iil wuxuu hayay waddada guul taariikhi ah.
Laakiin, marka la eego siyaasadda caalamka, Britain waxay qaadday tallaabo qaldan, sidaas awgeedna, weerarkan oo ahaa guul dhanka militeriga laga gaaray, waxa uu dhanka kale sababay in la bahdilo Britain, maaddaama Mareykanka uu diiday in uu taageero Britain.
Maxaa dhacay?
Waqtigaas, Mareykanka, oo la xifaaltamayay Midowgii Soviet, waxa uu isku dayayay inuu hormuud ka noqdo hannaanka waddamada gumasiga ku jiray ay xornimada ku gaari lahaayeen.
Siyaasad ahaan, Britain waxay ku guul-darraysatay go’aanka ay ku qaadatay in ay qabsato Kanaalka Suez.
Madaxweynihii Mareyknaka, Dwight Eisenhower, ayaa si aad ah uga carooday weerarka Britain ay ku qaadday Masar.
Waxaa sidoo kale soo baxayay warar sheegayay in gudaha Britain xitaa ay ka jirtay caro ay dadweynuhu ka qabeen tallaabadaas.
Dibadbaxyo badan ayaa ka socday magaalada caasimadda ah ee London.
Britain dhowr sano ka hor xilligaas ayay kasoo baxday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kaasoo dhaqaalaheeda u horseeday hoos-u-dhac sababay xasarado ba’an.
Lacagta giniga ayaa aad u qiimo beeshay, shaqo la’aantana way sii kordhaysay.
Xaaladahaas marka ay taagnaayeen, Mareykanka ayaa lagu tilmaamayay in uu yahay dalka ku fiican xulashada dagaallada uu galayo.
Midowgii Soviet ee uu hoggaaminayay Ruushka ayaa ku hanjabay in uu ku biiri doono dagaalka, isagoo garab siinaya Masar, si uu u hor istaago is-fidin kale.
Ciidamada xulafada ah ee Britain iyo Faransiiska oo damacsan inay gacanta ku dhigaan Kanaalka Suez, xaaladduna ay sii cakirantay hanjabaadda Ruushka kaddib, ayuu madaxweynihii Mareyknaka ku amray Britain iyo Faransiiska in ay si degdeg ah militerigooda ula baxaan.
Halkaas ayuu kusoo afjarmay dagaalkii khalkhalka geliyay marin-biyoodka muhiimka u ah caalamka.
Sida ay ku billaabatay arrinta
Bishii Luulyo ee sanadkii 1956-kii, Madaxweynihii Masar, Jamaal Cabdinaasir ayaa ku dhawaaqay inuu qarameeyay shirkaddii Faransiiska iyo Britain laga lahaa ee gacanta ku haysay maamulka Kanaalka Suez.
Mas’uuliyiinta Masaarida ayaa doonayay in dakhliga kasoo xarooda Kanaalka lagu maalgeliyo mashruuc lagu samaynayay biyo-xireen.
Mareykanka ayaa horay u diiday in uu maalgeliyo dhismaha biyo-xireenka.
Masaaridu waxa ay aaminsanaayeen in canshuurta shan sano laga aruuriyo maraakiibta isticmaalaysa Kanaalka oo keliya ay ku filnaan karto dhismaha biyo-xireenka.
Muhiimad wayn ayuu biyo-xireenkaas u lahaa qorshaha ay Masar ku doonaysay inay ku gaarto horumar dhanka warshadaha ah.
Hoggaamiyihii dunida Carabta
Britain iyo Faransiiska labaduba waxay siyaasadaha Madaxweyne Jamaal Cabdinaasir iyo ficilladiisa kale u arkayeen kuwo halis ku ah danahooda gobolka.
Labada dalba waxay isku raaceen in haddii horumar laga samayn waayo dadaallada ka socda miiska wada-xaajoodka ay ciidamadooda u diri doonaan si ay ula wareegaan Kanaalka, haddii ay lagama-maarmaan noqotana ay xitaa xilka ka tuuraan Jamaal Cabdinaasir.
Faransiiska waxa uu xitaa doonayay in uu meesha ka baxo Jamaal maaddaama madaxweynaha Masar uu teegeeri jiray kooxaha fallaagada ah ee la dagaallamayay xukunkii gumaysiga Faransiiska ee Aljeeriya.
Marka dhankan laga eego, Britain iyo Faransiiska oo saaxiib ah waxay u arkayeen Jamaal Cabdinaasir inuu ku yahay “khatar amni”.
Raysul Wasaarihii Britain, Sir Antony Eden, ayaa xilligaas dagaalka ka hor yiri; “Waxa uu muranka nagala dhaxeeyo ma aha Masar iyo Dunida Carabta. Waxaan is-haysannaa Kornayl Naasir. Waxa uu caddeeyay inuu yahay nin aan lagu kalsoonaan karin.”
Isla xilligaas, Madaxweyne Jamaal waxaa Dunida Carabta looga aqoonsanaa inuu ahaa geesi carbeed.