MAXAY SOMALIA KU BADALATAY IN KENYA & ETHIOPIA LOO QAYBIYO SUUQA QAADKA?

MUQDISHO_AYAAMAHA-Dowlada Somalia ayaa u o go laatay Ethiopia in ay qayb kasiiso suuqa Qaadka ee Somalia

Ethiopia ayaa iyadu suuqaan horay u haysatay xiligii dowladii madaxweyne farmaajo Kadib markii Kenya oo iyadu horay ugu jirtay xiriirka loo jaray

Suuqaan hada hada Kenya ayaa ka ganacsata , waxaana markaan qayb ka yeelanaysa Ethiopia oo iyadu muddo hal Sanaa dadaal ugu jirtay halista suuqaan

Aqbalidaqn dowlada Somalia ee ah in maandooriyahan wadanka lakeeno ayaa isagu  tusaale cad u ah in dowladu aysan diyaar u Ahayn in maandooriyahan dalka laga joojiyo

hasa ahaatee labadan wadan ee dariska la ah Somalia waa Kenya iyo Ethiopia  ayaa iyagu heshiisyo Kala duwan lagalay Somalia Kuwaas oo ay kaga badalanayaan suuqa Qaadka !

Dowlada Kenya ayaa iyada looga badashay suuqa Qaadka inay fududayso VISA dal kugalka wadankaas walow arintaasi aysan dhaqan galin oo wali aysan dowlada Somalia culays saarin

Ethiopia ayaa iyaduna suuqaan Qaadka ku badalanaysa  in ay suuqa kaluunka loo dhoofiyo kasiinayso somalia

Maandooriyahan sida maalin lahaa dalka loogu soo dhoofiyo ayaa waxa bilwalba ay Suuqaan labada wadan Qaadka U soo kala dhoofinayaan 20 bari  waxaa soo  dhoofinaya Qaadka Kenya , halka ay Ethiopia soo dhoofinayso 10 bari bilwalba

Inkastoo Aysan islahayn waxa ay Somalidu dhoofinayso iyo waxa loo soo dhoofinayo hadana  marka xaalku wax Kala badalasho marayo waa xeer uyaala suuqayada     kaas oo ah in adiguna wax dhoofisid adna wax laguu soo dhoofiyo