Xilibaanada BFS oo lagu eedeeyay inay Qaaci & Dalxiis isaga jiraan, xili madaxweynihii dalka uu joogo furimha dagaalka

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynaha Somalia XASAN SHEIKH MAXAMUD ayaa ku sugan furimaha hore ee dagaalka gaar ahaan
galmudug Oo dhawaan laga bilaabayo wajiga 1aad ee dagaalka alshabaab looga xoraynayo galmudug kaas oo laga bilaabayo Ceel buur & Galhareeri

Diyaar garaw culus ayaa galmudug laga dareemayaa maalmihii udanbeeyay

Dhanka kale Sanatar CUSMAAN ABUKAR DUBE Ayaa barlamaanka dalka ku Eedeeyay inay Qaaci & dalxiis ay iskaga jiraan madaxweynihii dalkana uu ku suganyahay furimaha hore ee dagaalka

Taas oo uu sheegay in hadii alshabaab meel looga soo jeedsan waayo aytahay fashil ku yimid halganka loogu jiro in alshabaab looga adkaato dalkana looga xoreeyo

Hadalkan Santer Dube kasoo yeeray ayaa imaanaya xili dalka uu kasocdo dagaalka alshabaab looga xoraynayo somaliyadii ay kudhawaad 16 sano ka dagaalamayeen