Xasan macalin maxamuud : “Galmudug waxaan u joognaa inaan alshabaab xididada u siibno”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tan iyo Shantii bishan Augusto  waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ku sugnaa madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamud.

Joogitaanka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah abaabul dagaal oo dowladdu dooneyso inay ku xoreeyso deegaannada ay Al-Shabab weli kaga suganyihiin eeGalmudug kahor inta aanu si rasmi ah u bilaaban wajiga labaad ee dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabab.

Waxaa kaloo Dhuusamareeb u tagay abaabulka dagaalkan xildhibaano wasiiro, iyo saraakiil katirsan dowlada fedaraalka somalia

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dasturka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Macalin Maxamud oo ku sugan Dhuusamareeb oo waraysi sii VOA ayaa yiri

“Waxaan galmudug ujoognaa inaan xididada u siibno Alshabaab

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dasturka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Macalin Maxamud ayaa kusoo beegmaya xili diyaar-garawyadii udanbeeyay ee dagaalka ay galmudug ka socdaaan