Washington: Iskaashiga difaaca ee Pyongyang iyo Moscow waxuu ka hor imanayaa Qaraaradii Qaramada Midoobay

MUQDISHO_AYAAMAHA- Dowlada Mareykanka ayaa galinkii danbe ee shalay ku dhawaaqay in heshiiska hubka ee ay gaareen Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, uu xad gudub ku yahay go’aannadii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay horay u gaareen.

“Nooc kasta oo iskaashi amni ama heshiis hub ah oo dhexmara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka waxa hubaal ah in uu ka soo horjeedo go’aanadii taxane ahaa ee golaha ammaanka,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, Vedant Patel.