Madaxweynaha dowlad goboleedka galmudug Oo qaabilay danjiraha midowga yurub ee Somalia Tina Intelmann maxay kawada hadleen ?

DhUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelmann oo uu soo dhammaatay shaqadii danjirinimo ee ay dalka u joogtay iyo Wafdi la socday.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay danjiradda sare u qaadidda kaalinta wadashaqeynta Midowga Yurub ay la leedahay Dowladda iyo dadka reer Galmudug. Dhankooda Tina Intelmann ayaa ballan qaadday iney Galmudug ka caawin doonaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.