Maxay tahay sababta xalay loo gubay masjidka Dhuusamareeb ku yaala ?

DhUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ka dhacday dhacdo ugub ah kadib markii mid kamid ah masaajidda ku yaalla xaafadda Horseed ee magaaladaasi xalay dab la qabadsiiyay, arrintaasi ayaa ah mid aan Soomaaliya looga baran.

Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegannada gobollada dhexe ayaa waxa ay caan ku yihiin mabaadii’da kala duwan ee culimada iyagoo u kala baxa dhowr dariiqo, waxaana mararka qaar ay taasi keentaa khilaaf soo noq-noqda.

Culimada masaajidkan la gubay ayaa waxa ay rumeysan yihiin in si ula kac ah dab loo qabadsiiyay masaajidka, kadib markii hadallo is dhaafsan lagu baahiyay baraha bulshada xilli dadka qaar ay muujiyeen in ay dhici karto in masaajidku uu dab qabsaday.

Haddaba si aan wax uga ogaanno gubashada masaajidka iyo sababaha ka dambeeya ayaan qadka taleefanka kula xiriirnay, Sheekh Cabdi Cabdiwali Xaaji Diiriye oo kamid ah culimada masjidkaasi.

Sheikh Cabdiwali oo sharraxaya sida ay wax u dheceen ayaa yiri “ Masaajid ku yaalla magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xaafadda Horseed oo ayaa la gubay, salaaddii cishe markii la tukaday ee cabaar la joogay kadib ayaa la xiray isla markaana laga hoyday, kadib qolo ayaa timid qufulkii ayey jabiyeen gudaha ayey u galeen gogoshii iyo kitaabadii oo dhan ayey dhex la’isugu keeneen kadibna wey gubeen”.

Sheikh Cabdiwali oo ka hadlay sida lagu ogaaday in masaajidka la si ula kac ah loo gubay ayaa yiri “ Masaajidu waa uu qufulnaa oo waalla jebiyay, gogoshii dhexda ayaa la’isugu keenay, kitaabadii Qur’aanka kariimka ah ayaa la gubay, safiitadii qaybta sare ayaa gubatay laakiin saqafkii kore ayaa bad-baaday, waa arrin aad u qatar badan in beyd ilaahay la gubo oo kitaabadii kalaamka Alle ay dhex yaalliin waxana rajeyneynaa in ilaahay soo ifiyo qoladii sidaasi sameysay, ayuu yiri”.

Soomaaliya ayey ka tahay dhacdo ugub ah in masaajid la gubo, horay ayaa loo arki jiray in masaajid la xiro ama la’isku khilaafo, arrintan ayey dad badan layaab ku noqotay, iyadoo ay muuqato in ciddii ka dambeysay dabkaasi aan si rasmi ah loo aqoonsan. Ma aha wax cusub in mararka qaar uu dhaco khilaaf soo kala dhex gala culimada deegaanka balse ficilkan ayaa weli la’is weydiinayaa waxa keeni kara.

Sheikh Cabdiwali oo ka hadlaya arrinta khilaafaadka ah ee ee soo kala dhex gala culimada ayaa yiri “ wey jiri kartaa aragti kala duwanaasho, bini aadamkuna wuu kala fikir duwanaan karaa balse colaad heerkan gaarsiisan iyo in beyd ilaahay la gubo ma jirin, qof hadduu colaad qabo waa mid uu u qabo shaqsiyaad, laakiin ficilkan oo kale ma ahayn wax aan horay u aragnay.”