Waa kee Masuulka loo soo daalinayo inuu qabto xilka Ra’iisul wasaaraha dalka?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dadaallada lagu raadinayo xilka Ra’iisulwasaaraha ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qaabilay saacaddihii lasoo dhaafay siyaasiyiin qaarkood si weyn looga yaqaano siyaasadda.

Madaxweynaha cusub ayaa lagu soo waramaya in dhankiisa wali uusan qaadan go’aan ku aadan cida noqonaysa ra’isul wasaaraha, waxaana sanadkaan Jubbaland ay dadaal ugu jirta qof dhankeeda ka socda uu noqdo Ra’iisulwasaaraha.

Dhanka kale warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu damacsan yahay in xilka Ra’iisul wasaaraha uu u magacaabo Dr Aamiin Aarkey oo ah nin ka soo shaqeeyey hay’adaha caalamiga kuwooda ugu facweyn, isagoo kala soo shaqeeyey arrimaha bulshada.

Dr Aamiin Aarkey ayaa la aaminsan yahay inuu ka dhabeyn karo rajada MW Xasan Sheekh, sababtoo ah dowladii hore Xasan Sheekh ayaa waxaa caqabad weyn ku noqotay is bed-bedel Ra’iisul wasaarayaasha tira badan balse dad badan oo khubaro ah oo aad u yaqaano Dr aamiin Aarkey ayaa sheegaya in ninka keliya ee la dhameysan karo Madaxweyne Xasan Sheekh, sidookalena jabinkara rikoorkii dowladdii Madaxweyne Farmaajo oo aheyd in muddo 3.5 seddex sano iyo bar ay soo wada shaqeeyeen Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

Aarkey ayaa dadka yaqaana waxay ku sheegaan inuu yahay khabiir dhanka arrimaha bulshada iyo siyaasada, latacaamulka dadyow kala duwan, xilinkarana caqabada soo wajahikaro xukuumadiisa markii la dhiso.

Dictoorka waa mid kamid ah masharaxiinta isku soo taagtay qabashada xilka Madaxweynaha ee uusan helin fursadaas balse waxaa la filayaa inay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo laftarkiisa dad bada su’aalo iska weydinayaa inuu u magacaabikaro Ra’iisul wsaaraha dalka.