Mucjiso laba ilmood oo isku dhagan oo Burco ku dhashay

BURCO-AYAAMAHA-Magaalada Burco ee xaruna gobolka togdheer 4 maalin ka hor waxaa ku dhashay labo ilmood oo matanaa kuwaas oo isku dhagan subxanallaah

Labadani ilmood ayaa yaala hospital ka wayn ee magaalada Burco waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in ay xaaladoodu halistahay ayna ubaahan-yihiin Qaliin deg-dega

Abaaha dhalay labadani ilmood ee isku dhagan ayaa sheegay in caruurtani at ubaahanyahiin qaliin sidookale Aan wax looga qaban Karin magaalada Burco

Arintani ayaa ah mid mucjisaa oo dunida ka dhacda waxaana jira  dad badan xaaladaan oo kale ku dhashay oo dunida ku nool