Madaxweynaha Somalia Xasan sheikh Maxamud oo ka qayb galay kulan shacabku si toosa su,aalo ugu waydiinayeen

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Alshabaab iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.

Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen ladagaallanka Alshabaab ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo mideysani ay ku doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Alshabaab, qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo ururka Alshabaab