Wiil somaaliya oo dilay gabar uuu xiriir kala dhexeeyay kadibna is toogtay waa maxay sababtu ?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Habaynimadii khamiista Ee Jimcuhu soogalayay labo dhalinyaraa oo Somalia oo lagu kala magacaabo Cali dirir oo 23 sano jira & Aasiyo muuse 22 sano jira ayaa is dilay

Booliska magaalada colupos  Ee gobolka Ohio ayaa sheegay in Cali dirir uu xabad ku dhuftay Aasiyo kadibna uu istoogtay isagu

Labuduba dhaawac ayay Ahaayeen markii goobta laga qaaday Aasiya ayaa iyadu ku dhimatay intii hospital ka loo sii waday halka uu  Cali saacado Kadib ku dhintay hospital ka

Boosliiska ayaa fasaxay maydadka walina ma aysan sheegin sababta rasmigaa ee ka danbaysa dilkooda

Qoyska Cali ayaa iyagu sheegay in Cali & Aasiya uu xiriir la dhaxeeyay 6 bil la dibna loo balansanaa guurkooda

Waxayna sidoo kale qoysku sheegeen in qilaaf uu soo kala dhexgalay laba dooda markaas oo Cali uu ka shakiyay in Aasiyo ay xiriirkale leeyahay.