Goormaa la magacaabay General ka gurgiisa xalay ciidamadu weerareen ?

MUQDISHO-AYAAMAHA-UPDATE Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa bishii 9aad ee sannadkii 2016-kii, darajada Sareeye Guuto u dalacsiiyey Sheegow Axmed Cali, oo ay maanta isla dawladda Madaxweyne Xassan sheegtay in uusan Jeneraal aheyn.

Sheegow, hadda waa maxbuus gurigiisa weerar lagu qaaday lagu soo qabtay xalay, iyadoo ciidanka qabtay habdhaqankooda la dhaliilay, sidaas oo kale erayada ay adeegsadeen xiliga qabashadiisa ay ka muuqatay in ay jiraan dhacdooyin xariirsan.